Daawo:- Lugooyada uu Ciidamadda Difaacada Dowladda Puntland ku wado Cabdiweli Gaas

| Friday, Oct 14, 2016 |

Ciidamada Difaaca dawladda Puntland ayaa shalay Ku Waabariistay Weerar Gaadmo Ah ay Ku soo Qaadeen maleeshiyaadka Galmudug, weerar oo Dhacay Waabarigii Salaada Subac weerarka oo socday Mudo Saacad Ah Ayaa ahaa Weerar ku Dhufoo ka Dhaqaaq Ah Ayadoo markiiba Ay Kala Carareen Maleeshiyaadka Galmudug iyo Alshabaab oo weerarkaas Soo Qaaday,

Dhinaca Puntland Weerarkii shalay waxaa ka Soo Gaaray Khasaare Hal Aski oo Dhimasha iyo Mid Dhaawaca Sidoo Kale lama Xaqiijin karo khasaaraha soo Gaaray Dhinaca Galmudug Ayagoo markiiba Meesha ka Cararay,

Saraakiisha Ciidanka Puntland Ayaa Dacwo ka ah Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas oo ku Amray in aysan Ciidanku Weerari karin Cadowgooda Ciidanku Difaac ay ku Jiraan Cadowga soo Horfadhiyana Sugtaan intay Weerar soo Qaadayaan kadibna is Difaacan Arintaas oo Ciidanku Aad uga Carooday iyagoo ka Xumaaday in Difaac La Galiyo Ayagoo Awood u leh inay Saacado yar ku Tirtiraan Huwanta Alshabaab iyo Galmudug,

Madaxweynaha Puntland Ayaa Amar ku Baxshay Shalay Galab inay Ciidanka Puntland Kasoo Baxaan Goobihii Ay Dagaalka kula Wareegeen, Asagoo Ciidanka Ku Amaray inay Difaac Galaan Wax Weerar ah Aysan Qaadin Xaduudka Puntland Aysab ka tilaabin Fariisimahoodii hore Aysan dhaafin,

Lama oga Go’aanka Ay Qaadan Doonaan Ciidanka Puntland oo Kashifay Niyad Jabka iyo Lugooyada uu ku Hayo Madaxweyne Gaas oo Amar ku Bixiyay inay Cadowgooda Gacmaha ka Laabtaan Ayagoo Haysta Hub Nooc Kastaaa, Mudo 7 cisha ah Ayay weeraro is Daba jooga soo Qaadayaan Maleeshiyaadka Galmudug iyo Alshabaab,

Saraakiisha Ayaa Noo Xaqiijiyay inaysan sugi Doonin Tala Xumada Madaxweyne Gaas iyo Amar kasoo Baxa Dhankiisa, Ayagoo sheegay Madaxweyne Gaas inuu Cabsi ka Qabo Beesha Caalamka in Loo Qabsado Danbiyo Dagaal Hadii Ciidanka Puntland Weerar Qaadan oo Qabsadaan dhulka Maamulka Galmudug Xasuuqaana Maleeshiyaadka Dagaalka kula jira ,

Like it? Share it!