ffffff

Wareysigeygii Jaalle Siyaad W/Q Yusuf Garaad

1986, Xilli la dhaafay 10:30 habeennimo ayuu Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde oo ah weriye khabiir ah, laakiin hadda Madax ka ah Wasaaradda Warfaafintu uu iigu yimid Xafiiska Wararka ee Radio Muqdisho. Waxaan akhrisanayaa wararka caalamka  si aan uga xusho kuwa ay tahay in aan ummadda u sheego. Wuxuu i weydiiyay waxa aan caawa ka shaqeynayo. Waxaan u sheegay warka Saqda Dhexe in aan leeyahay iyo kan aroorta 06:30 diyaarintooda iyo akhrintoodaba.

Wuxuu igu yiri warka saqda dhexe cajalad ku duub, ka dibna isu diyaari in aad Madaxweynaha soo wareysato. Maxaan ka wareystaa Madaxweynaha? Caawa ayuu dalka ku soo laabanayaa ee diyaarso su’aalo ku wajahan socdaalkiisa oo dhakhso, ayuu igu yiri, si aan u aadno airporka. Waa hagaag ayaan ku jawaabay.
Markiiba warka saqda dhexe ayaan ku duubay Studiyaha 4aad oo shaqaaluhu uu ugu yeeri jiray Studio Four. Ka dibna waxaan diyaarsaday su’aalo dhowr ah. Waxay noqoneysaa markii iigu horreysay ee aan Madaxweyne wareysto.

Wasiirka ayaa igu soo laabtay oo i weydiiyay in aan u sheego su’aalaheygu waxa ay yihiin. Runtii, Wasiir shaqo kuma lahayn su’aalaha Madaxda la weydiinayo. Laakiin maaddaama uu Wasiirku ahaa weriye khabiir ah, maaddaama uu muddo dheer ahaa weriyaha khaaska ah ee Madaxweynaha iyo maaddaama ay ahayd markii u horreysay ee la igu aammino in aan Madaxweynaha wareysto, marnaba culeys uma arag dalabkiisa.

Waan hor dhigay su’aalaheyga. Waxba kamuu reebin waxna kumuu darin ee wuu igu raacay. Gaari ayaan qaadannay ah Toyota Corolla. Yaasiin inta badan gaarigiisa isaga ayaa wadan jiray. Mararka qaarna isagaa nadiifin jiray. Wuxuu degganaa guryaha Xamar Bila. Habeenkii wuxuu gaariga dhigan jiray Saldhigga Booliiska Wardhiigleey oo gurigiisa aan sidaa uga sii fogeyn ka dibna wuu ka lugeyn jiray. Wasiirnimadiisa waxaa ka weynaa weriyennimadiisa. Isaguna marka horeba wuxuu ahaa nin ka dabeecad duwan xataa weriyayaasha.

Yaasiin waa nin nolol jaban ku nool. Baahidiisa maaddiga ah iyo danihiisa shakhsiga ahiba ay aad u kooban yihiin. Damaacinnimo ka maran, iyo is muujin. Aad u uruursan. Akhris iyo dhegeysi ku nool ah isaga oo adeegsanaya afaf kala geddisan Soomaali, Ingiriis iyo Carabi. Dadka aan iska weyneysiin ee weliba la sheekeysta, si dhab ahna ula sheekeysta oo u sheekeeya shaqaalaha oo dhan siiba kuwa ugu derejo hooseeya. Saaxiibbo khaas ah aanan ku aqoon oo ku diqdhiya dhabbaha isku xira gurigiisa iyo xafiiskiisa meel kalena ay adag tahay in aad ku aragto.

Safarka Airporka

Waddada dheer ee Maka al Mukarrama ayaan ku dhacnay. Dhigta KM4 marka aan mareyno ayaa askar dhulka tuban oo daba-laabyo ku hubeysan aan ku soo dhex dhacnay. Mid ka mid ah ayaa na soo aaday, ka dib markii uu Yaasiin u hoggaansamay amarradiisii afka iyo tilmaanta gacanta isugu jiray ee ahaa “joogso” iyo “demi nalka”. Wadaha baabuurka kumuu leexan askarigu isaga oo malahayga mooda in ninka madaxda ah ee la sidaa uu hore fadhiyo.

Markuu ila soo sinmay ayaan si qabow ugu iri Wasiirka la hadal aniga oo gacanta ugu tilmaamaya Yaasiin oo shukaanta fadhiya. Askarigu isaga oo aan hadal igu soo celin ayuu baabuurka dhanka hore kala soo wareegay. Laakiin Yaasiin maba sugin ee si halhaleel ah ayuu iigu yiri war aniga i garan mayee tus mikrofoonka iyo qalabka aad wax ku soo duubeyso oo u sheeg in aad Madaxweynaha soo wareysaneyso.

Runtii waan yaabay in Wasiirku aniga miciin i bido, isaguna isku koobo in uu yahay nin aniga uun gaari igu wada. Xataa inta aanuu Wasiir noqon Yaasiin wuxuu ahaa nin aad caan u ah, heybadna leh oo meel kasta oo uu tago laga xushmeeyo fadhigana looga kaco, inkasta oo meel uu tago oo aan shaqadiisa iyo gurigiisa ahayni ay iskaba yarayd.

Inta aanuu gaari yeelan marka uu Raadiyaha ka rawaxo wuxuu lug ku sii dhex mari jiray Villa Somalia. Iridda dhanka idaacadda inta uu ka galo ayuu ka bixi jiray tan dhanka Wardhiigleey ee ku dhow Dugisga 15-ka May, si uu uga baaqsado waddada dheer oo la soo wareegeysa gidaarka kore ee Madaxtooyada. Markaa in annaga oo wada soconna uu i yiraahdo askariga isu fasir waxay igu noqotay filanwaa’. Askarigii aan dhinaca kale u diray waxay noqotay in aan haddana anigu la hadlo oo aan damco in aan isu sheego, taas oo ah wax askari ka careysiin kara, maaddaama uu u qaadan karo in aan ku cayaarayo.

Markii aan hadalka billaabay ayaa waxaa xowli waalli ah nagu dhaafay gaari Cabdi Bile ah oo dhanka airporka u xawaareynaya oo ay kor tuban yihiin Booliiska Dableyda ama ciidanka koofiyad casta ee u khaaska ah Madaxweynaha. Waxay joojiyaha si xoog ah ugu qabteen bartanka waddada meel horteenna ku beegan oo qiyaastii boqol tallaabo in ka badan noo jirta. Inyar markii uu sii jiitamay asaga oo ay shaagaggiisu shanqar aan dhegaha u rooneyn sii deynayaan ayuu istaagay gaarigii. Markiiba dib ayay u soo qaadeen si haddana xawli ah oo riinkiisa aad yaabto.

Markii ay nagu soo dhow yihiin ayaa nin hore fadhiyay uu madaxa iyo gacanta midig la soo baxay isaga oo gadaal u soo qooransanaya askartii na hor taagneyd. Wuxuu cod kore ku yiri soo daaya gaariga. Jawaab iyo ficil ma aanay sugin ee xowli ayay haddana ku dhaqaaqeen. Laga yaabee in ay aqoonsadeen Wasiirka. Sidaan is irise Baabuurka ayay aqoonsadeen marka aan eego xawaaraha ay ku socdeen.

Gudaha Airporka

Airporka ayaan gaarnay abbaaraha saqdii dhexe. Madax iyo ciidan isku dhafan ayaa is dhexmaraya. In yar ka dib Madaxweynaha ayaa soo degay. Somali Airlines ayuu ku socdaa. Wuxuu gacanqaaday Madaxda intoodii goobta timid. Isaga oo aan ku leexan qolka VIP ee uu wareysigu ka dhici lahaa ayuu baabuurkiisa raacay. Ma ogi in ay jirto cid ku wargelisay in weriye iyo Wasiirkiisii ay ku sugan yihiin Airporka si isaga loo wareysto.

Halkaas ayay mar qura wada dhaqaaqeen baabuur tiro badan oo u badan Landcruiser guux weyn oo ka badbadis ah iyo xowli ku dhaqaaqaya oo Madaxweynaha lagu gelbinayo. Waxaa dhex yaacaya koofiyad cas nin waliba qorigiisa hal gacan kor ugu hayo oo gaarigii uu la socday beegsanaya. Airporka oo aan ahayn hal waddo ee ah barxad weyn oo wada laami ah ayaa baabuurta midba meel ka soo dhaqaaqay ama ka sii dhaqaaqay. Nalalkooda ifitiinka aragga fog loogu tala galay ayaa u wada shidan oo indhaha aadan siin karin haddii kale wakhti dhan oo ka dambeeya aadan waxba u jeedi karin. Waxaa birbiriqaya qoryaha iyo astaamaha birta ka sameysan ee ku tolan lebbiska ciidanka marka ay qabtaan nalalka baabuurtu.

Waxaad moodda jahawareer iyo niman col galay. Dabcan waa hab ay u barteen oo waa ay og yihiin waxa ay sameynayaan. Goobtaas haddii aad taagan tahay waxa keliya oo aad ku mashquuleysaa waa in aad baabuurtaas ka badbaaddo iyo in aydnaan isku dhicin askari qori sita buudna gashan.

Wasiirkayga dhererkiisa, lixaadkiisa iyo codkiisa marnaba kuma khaldamayo waxa goobta ka dhacaya. Waxaan arkay asaga oo igu soo cararaya, gacnaha taagtaagaya oo hadalka ka soo billaabay meel iga fog. Marka hore waan maqli waayay, guuxa baabuurta iyo dabaysha badda ka soo dhacaysa awgood. Markuu soo dhowaaday ayaan fahmay.

Waxay noqotay in aan jahawareerkii anna dhex rooro aniga oo qalabka naagra oo igu culus garabka iigu jiro, luqunta ii suran tahay sameecadda dhegaha daboosha oo xarig ka laallaado, gacantana mikrofoon iyo xarko ku sita, baabuurta khatartooda iska ilaalinaya, haddana raadinaya mid aan aqoodo oo i sii qaada.

Ma hubo, waxaanse u maleynayaa baabuur Land Cruiser ah oo Cawke oo Madaxweynaha la socday lagu soo doonay in aan raacay. Kolleyba Cawke ayaan raacay sababta oo ah wadayaasha gawaarida kale ninka keliya ee aan is naqaan wuxuu ahaa wadaha gaariga Madaxweynaha. Isagana suurta gal ma ahayn in aan weydiisto in uu i sii qaado.

Cawke wuxuu ahaa weriyaha khaaska ah ee Madaxweynaha. Wuxuu xilkaas kala wareegay Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde markii uu noqday Wasiir ku Xigeen ka dibna Wasiirka Warfaafinta. Yaasiin wuxuu mar ka sii horreysay kala wareegay xilkaas, Cabdi Xaaji Gobdoon oo isagu noqday Agaasimaha Guud ee Warfaafinta, ka dibna Sportiga.

Saddexdooda keliya ayaan xusuustaa in ay noqdeen weriyaha khaaska ah ee Madaxweynaha. Waxaa wehliya Axmed Cabdi Nuur oo mar Cawke uu shil galay isagu qabtay xilkaas. Maxamed Khaliif Giir ayaa isaguna ahaa weriyaha Madaxweynaha ee Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed, SONNA oo la shaqeeyay laba Axmed. Xasan Cusmaan (Xasan-Biid) wuxuu ahaa weriyaha Kamerada TV-ga ee Madaxweynaha. Waxaa isaguna jiray sawirqaadaha Madaxweynaha oo ka socday Wakaaladda Filimmada.

siyadbarre

Wareysiyada Madaxweynaha waxaa mar kasta qaadi jiray weriyihiisa khaaska ah. Laakiin marka uu dibadda u dhoofayo oo uu weriyuhu raacayo iyo marka uu soo dego oo uu weriyuhu la socdo labada jeerba weriye kale oo Radio Muqdisho ah ayaa wareysan jiray.

Dhaqdhaqaaqa Madaxweynuhu ma ahayn wax ay dad badani hore u sii og yihiin, waaba hadday jiraan dad og. Sidaa darteed, waxaa dhici jirtay in si kedis ah loogu baahdo weriye.

Waa tan keentay caawa in la iga soo qafaalo Xafiiska Wararka si aan anigu u qaado wareysiga Madaxweynaha.

Villa Somalia

Madaxtooyada markii aan nimid, qol waxaan galnay uu Madaxweynuhu fadhiyo miis nooca shirarka ah. Waa miis aad u dheer oo dhammaan kuraasta hareerihiisa taalla ay buuxiyeen xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) iyo Wasiirro. Markii aan isa sheegay, ayaa Madaxweynaha garabkiisa midig kursi yaalla la ii banneeyay. Halkaas ayaan fariistay. Markii aan isu sheegay fasaxna ka qaatay ka dib ayaan bartaas wareysiga uga duubay Madaxweynaha.

Dabcan qof kasta oo qolka ku jiray wuu aammusay intii wareysigu socday marka laga reebo aniga iyo Madaxweynaha. Waxaan moodayay in ay shanqaraha uun ka ilaalinayaan wareysiga. Ma ogeyn in ay taxaddar tifatire ku dhegeysanayaan kelmad kasta oo aan Madaxweynaha ku wadahadalno.

Markii aan dhammeystay duubista ee aan u mahadceliyay, inta aanan qalabkeyga xirxiran ayay xaaladdu is beddeshay. Mid ka mid ah Madaxda ayaa aammusnaanta jebiyay oo ila hadlay iyada oo la wada maqlayo. Wuxuu yiri jawaabtaa uu Jaalle Madaxweynuhu ku siiyay ee uu kuu sheegay in magaalada uu hadda ka yimid ee Faransiiska uu Talyaanigu lahaan jiray laakiin uu Faransiisku ka qabsaday war baa ka imaan kara ee ka taxaddar.

Intii aanan u jawaabin ayaa Yaasiin Xaaji Ismaaciil oo aanan awal ogeyn in uu i dul taagan yahay uu jawaabay. Wuxuu yiri annagu waxaan leennahay “warshad” aan warka sii marsiinno ee yaan laga welwelin.

Madaxweynuhu isaga oo aammusan ayuu markii horena wuxuu eegayay ninka Madaxda ah ee talada soo jeediyay,  ka gadaalna wuxuu intii uu jawaabayay aad kor ugu eegay Yaasiin oo na dul taagan ahna nin joog dheer.

Madaxweynaha oo ahaa nin hadal aan loo dusin wuxuu gartay in waxa la sarbeebayaa ay yihiin, qeyb ka mid ah hadalka uu Madaxweynuhu ku hadlay diblomaasi ahaan munaasab uma aha. Wax baa ka soo noqon kara ee yaan la sii deyn. Wuxuu gartay in la leeyahay waxa uu odaygu ku hadlay ha la saxo.

Maxamed Siyaad isaga oo u jawaabaya mas’uulkii warka dhaliyay iyo madaxda kaleba ayuu aniga igu hal qabsaday isaga oo gacanta igu tilmaamaya. Wuxuu yiri, aniga iyo qolyahan Warfaafintu waan is naqaan.  Waxaa aan ku hadlo iyo waxa ay sii deynayaan waan isla og nahay. Idinka halkaan fadhiya uun ayaan idinla hadlayay si aqoon guud ah.

Sida aan is leeyahay halkaas ayaa lagu kala hoyaaday.

Anigase waxaa ii billaabatay ka shaqeynta wareysiga Madaxweynaha iyo diyaarinta shaqadii la iga soo kaxeeyay oo ahayd in Soomaalidu marka ay berri subax soo toosto aan uga warramo waxa dalka iyo dibaddaba ka dhacay intii ay hurdayeen oo ay ka mid tahay in Madaxweynuhu uu dalka ku soo laabtay.

Saxaafad qofkii aan ka shaqeyn ama la shaqeyn wuxuu halkaa ka fahmi karaa warka hal daqiiqad ama ka yar lagu soo gudbinayo iyo wareysiyada saddex daqiiqo ama wax la mid ah ku kooban inta howl laga soo maray oo ay ku jiri karaan dhafar iyo halis.

Anigu habeenkaas shil baabuur ayay ahayd halista aan ka baqayay, laakiin marxaladaha qaarkood marar kale i soo maray, wuxuu weriyuhu u shaqo tegeygaa goob khatarta aad ka baqeysaa ay tahay xabsi, afduub, rasaas, qarax iyo madfac oo sas iyo dhaawac fudud ka sokow aad ku naafowdo ama aad ku ahaato.