SHIRQOOLKII LAGU DILAY QADAAFI IYO BEENTII LOOGU MARMARSIYOODAY WEERARKII LAGU QAADAY DALKA LIIBIYA QAYBTII 2-AAD

| Thursday, Nov 17, 2016 |

Qeybti 2aad.

Dukumenti ay daabacday ayna qeybisay Hay’adda warbaahineed amo website-ka lagu magacaabo Mediapart bishii sept 11keedii sanadkan 2016ka ayay ku xaqiijisay in xiriir lacageed uu dhaxmaray Hoggaamiyihii Liibiya Muammar Qadaafi iyo Madaxweyne Sarkoziga Fransa.
Madaxweyne Sarkozy waa uu diiday inuu wax lacag ah uu ka qaatay Qadaafi si uu ugu isticmaalo doorashadii 2007-dii,taasoo Dalka Fransiiska sharci-daro ka ah inaad lacag dibadda aad ka heshay ku gasho doorashada dalkaasi ,haddii ay shaqsigaasi ku cadaatana uu muteysanaayo Xarig amo xabsi, Haseyeeshee Baaris rasmi ahoo lagu sameeyay Madaxweyne Sarkozy oo qeyb ka mid ah ay daabacday website-ka Mediapart ayaa caddeymo u keentay in Sarkozy uu lacag dhan 50 Milyan uu ka qaatay Hoggaamiyihii Liibiya,Dad badana oo Siyaasadda odorasaayaa ku doodaya in sababaha looga taqalusay Qadaafi ay tahay in la diidanaa in la ogoaado inuu lacagtaasi uu qaatay Sarkozy.

Hoggamiye Muammar Qadaafi wuxuu aaminsanaa,shakina aanu uga jirin in uu sababsan doono Mashaariicdaasi baaxada leh ee uu ka mid yahay Dayaxgacmeedka Telecom Setellite-ka iyo Qorshaha Ebyida Bangiga Qaaradda Afrika ee PAN AFRICAN BANK ay noqon doonaan kuwo aanay oggolaan doonin, marmarsiinyana ay ka dhigan doonaan dalalka reer galbeedka oo ay mar uun u howlgali doonaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen Xukunkiisa.

Balse Hoggaamiye Mu’ammar Qadaafi markii uu u kicitimaayay Paris ee dalka Faransiiska, gaar ahaan Booqashadii Madaxweyne Nicolas Sarkozy ay Ceymis amo badbaado u noqon doonto Lacagta uu siinaayo Sarkozy ayuu aaminsanaa,waxayse noqotay mid soo dadajisa Geeridiisii,iyadoo si kasto uu isugu dayay Qadaafi inuu Dalalka reer Galbeedka u tuso inuu yahay mid u jajaban oo sameeyay wax kastoo uu isugu muujin karo inuu yahay mid wax ka badalay dhaqamadiisii hore ee reer galbeed naceybka ku dhisnaa.

Bishii Agosto 2008dii Qadaafi wuxuu saxiixay heshiis uu Dalka Mareykanka la saxiixday oo uu ku dhameystiraayo Magdhawgii dadkii Labadii dayuuradood ku dhintay,isla sanadkaasi ee 2008dii waxaa Liibiya booqatay Haweeneyda la-taliyaha dhinaca Amniga u aheyd Madaxweyne George Bush ee Condolezza Rice iyadoo Liibiya tagtay tirina Xiriirka Mareykanka iyo Liibiya wuxuu galay marxalad cusub oo ay ula jeeday mar hadduu Qadaafi oggolaaday inuu bixiyo dhamaan lacagihii laga dalbay uu xiriirku hagaagi doono.

Bishii Febraayo ee 2009kii Hoggaamiyaha Liibiya Mu’ammar Qadaafi wuxuu loo doortay Guddomiyaha Uriurka Midowga Afrika,wuxuuna markiiba ku dhawaaqay inuu ka shaqeyn doono mideynata dalalka Afrika si Afrika u noqoto hal dal oo ah United States of Africa, Khudbadiisii uu jeddiyay markii xilkaasi loo doortay ayuu ku soo qaaday Qorshihiisii uu muddo ku taamaayay ee ahaa xaqiijinta Isgaarsiin mid ah ay yeelto Qaaradda Afrika iyo Bangi mid ah PAN AFRICAN BANK
Isla sanadkaasi 2009kii Liibiya waxay ka soo iibsatay Hub qiimihiisa lagu qiyaasay 1.8 billyan oo dollar dalka Ruushka tasina kuma aysan farxin dalalka reer galbeedka,dhamaan talaabooyinkaasi uu qaadayana isha ayay ku haayeen.

Mu’ammar Qadaafiga Liibiya wuxuu haystay Lacag aad u fara badan oo xilligaasi Qasnadihiisu buux dhaafiyeen waxaana lagu qiyaasay inuu haystay oy qasanadiisu ku jirtay 150 Bilyan oo dollar iyo 143 Tan oo Dahab ah.

Qoraal uu Qoraaga lagu magacaabo Pougala oo si aad ah ula socday dhaqdhaqaaqa Qadaafi ayaa qoraak uu website ka Pambazuka ku qoray ku sheegay in Hoggaamiye Qadaafi uu u qorsheeyay Lacagtaasi saddax mashruuc oo waaweyn oo kala ahaa Bangiga Maalgalinta Afrika (The African Investment Bank), oo la qorsheeyay in Magaalada Sirte oo Qadaafi uu ku dhashay in laga hirgaliyo sanadkii 2011kii,Hay’adda Lacagta Afrika (African Monetary Fund oo loo qorsheeyay in Magaalada Abuja ee dalka Neyjeeriya laga hirgaliyo iyo Bangiga Dhaxe ee Qaaradda Afrika (African Central Bank) oo loo qorsheeyay in laga dhiso Nayjeeriya oo dhaqangalinta kadib bilaabi laheyd daabacaada lacag lagu magacaabo DINAR oo guud ahaan loogu talagalay iney ka hirgasho guud ahaan Qaaradda Afrika laguna badalo Lacagta Farnc ah ee Faransiiska oo muddo 50 sano ah ay dalalka Afrika badankooda isticmaali jireen, Dollarka iyo Yuuraha iyagana wey ku jireen kuwo la qorsheeyay in la badalo
.
Mu’ammar Qadaafi waxaa horay ugu qorsheysnaa in Shidaalka ay dalalka reer galbeed ka iibsadaan Liibiya uu uga iibiyo lacagtaasi Dinar-ka ah Qadaafi wuxuu rabay in lacagtaasi Dinar-ka ah in dalalka Qaaradda Afrika ay uga baxaan faqriga,iyo canaadka ay hay’adda Lacagta Addunka IMF iyo Bangiga Addunka ku hayaan dalalka Qaaradda Afrika.
..
Hadaba
Dhowr sanadood ka kadib Faransiisku gaar ahaan Madaxweyne Sarkozy wuxuu ka baxay Ururka Nato ee isbaheysiga dalalka reer Galbeedka,taasoo ah dhaqan ay Faransiiska sameeyaan markey wax maagan yihiin amo damacsan yihiin, sidii uu sameeyay Madaxweyne De Gaulle kii Faransiiska oo xilgii uu madaxweynaha ka ahaa ka baxay ururka Nato.
Walaalayaal Saaxibayaal maanta aan halkani ku joojiyo,fadlan LIKE saar kadibna share dheh si loo wadda aqristo,kana dhiibta fikradihiina.
Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa dhamaan dadkii Like gareeyay ,share gareyay islamarkaana sida weyn fikaradahooda uga dhiibta qormadii tan ka horreysay. filo qormo kale oo xiisa leh oo ku saabsan qoddobkan..

W/Q :-#Abdirihman #Diinaari

Like it? Share it!