Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Deegaanada Degmada Waaciye oo Lacago u Qeybiyey Dad Reer Guuraa Ah(Sawiro)

| Tuesday, Dec 27, 2016 |

Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Deegaanada Degmada Waaciye oo Safar Shaqo Deegaanka ku jooga ayaa Lacag u qeybiyey Dad ruugaa ah oo Abaartu Saameysay,kuwaas oo xoolahoodii ku waayay abaarta deegaanka ka dhacday.

Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Waaciye ayaa Munaasabad lagu qabtay Waxa Dhaqaale Lacageed Loogu Qeybiyey Ku Dhowaad 30-Qoys oo Abaarta xoolihii kaga dhamaadeen iyo weliba inyari u hartay.

Reer Guuraagan Lacagta Loo Qeybiyey ayaa ku nool deegaanada Miyiga ah ee ku teedsan Degmada Waaciye iyo Xidda,iyadoona Beri oo Salaasa Ah Lagu Wado inay gudi Dhaqaale Lacageed u qeybiyaan Reer Guuraaga ku dhaqan dhulka Miyiga Ah ee Magaalooyinka Dalweyn iyo Juurile,iyagoona Lagu wado inay uga sii Gudbaan Dhanka Magaalada Laasadawaco oo ka tirsan Gobolka Bari.

Deegaanada Ka jira qaar ka mid ah Gobolada Puntland ayaa Saameyn xoog leh ku reebay dadka reer guuraaga ah ee Noloshoodu ku tiirsan tahay Dhalashada Xoolaha Nool,iyadoona dadka inta badan ay ka dhamaadeen xoolihii noloshoodu ku tiirsanayd,isla markaasina ay waajib u tahay Walaalaha Dhaqaalaha haysta inay u gargaaraan.

Raadreeb-Waaciye.

Like it? Share it!