ffffff

Doorashada Gudoonka Aqalka sare ee Soomaaliya oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho

Waxaa Maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Illaa 16 Musharax ayaa isu soo taagay Qabashada Guddoomiyaha iyo Labada Kuxigeen.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa u Tartamaya Xildhibaanada kala ah.

  1. Cabdi Xaashi C/llaahi,
  2. Mustafe Maxamed Qodax

Sidoo kale 7 Musharax u Tartami doona Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad Ee Aqalka Sare.

Halka 7 Musharax  oo kale ay u Tartami doonaan Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Aqalka Sare.

Waxaa si weyn loo adkeeyay  Ammaanka Goobta ay ka dhaceyso.