Faah faahin kooban, Khilaaf ka taagan halka lagu maxkamadeyn lahaa dhalinyaradii kufsiga ka geystay Galdogob

| Sunday, Jan 22, 2017 |

Waxaa weli ka socota deegaanka Galdogob ee gobolka Mudug Maxkamad la saarayo dhalinyaro fal aad looga xumaaday islamarkaana anshax xumi ahaa ka geysatay degmadaas.

Maxkamadda oo ay ku jiraan odayaal iyo culimo ka tisan kuwa degmada Galdogob ayaa la sheegay in ay hadba mar isbed bedeleyso ayna muuqato in ay ka dhex bilaabantay xiisad iyo is khilaafid ka dhex taagan odayaasha iyo culimadda.

Sida sharcigu qabo dhaqanka kufsiga bedelkiisa waxaa go’aamiya culimada, waxaase falka kufsi u dheeraa dhibanaha ceebeyn iyo in laga duubay muuqaallo kuwaas oo ay dhalnyarada falka geysatay ku shaaciyeen baraha bulshada.

Inkastoo aan weli laga gaarin go’aan dhalinyarada falka geysatay hadana waxaa soo if baxaya khilaaf ka dhashay in dhalinyaradaas lagu maxkamadeeyo xarunta gobolka Mudug, iyadoo odayaasha deegaankaasi diideen in dhalinyaradan  maxkamad lagu saaro meel aan aheyn galdogob.

Qaar ka mid ah culimadda Soomaalida iyo weliba bulshaweynta ayaa qaba in wiilasha xumaha intaas la eg geystay aan loo saamixin in ay sii noolaadaan, islamarkaana falka ay geysteen ee xumaha intaas la eg huwanaa loogu bedelo dil toogasho.

Like it? Share it!