Faah faahin, Musharaxiintii u dambeysay oo maanta isdiiwaan gelinaya, iyo dhaq dhaqaaqa socda

| Saturday, Jan 28, 2017 |

Magaalada Muqdisho Caasimadda dalka waxaa siweyn loogaga dareemayaa isku diyaarinta iyo ololaha doorashada madaxweyne nimo ee horaanta bisha soo aadan ka dhici doonta Magaladaas.

Waxaa si dar darleh uga socota Xarunta Vila Hargeysa ee Magaalada Muqdisho Isdiiwaan gelinta Musharaxiinta u Tartamaya Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharixiinta isku diwaan galiyay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa buuuxiyay sharuudihii laga doonayay Musharaxiinta sidoo kale ay bixiyeen lacag dhan 30-kun oo Dollar oo laga qaadayo Musharax kasta oo tartamaya.

Musharaxiintii u dambeysay ee isdiiwaan gelisa ayaa kala ahaa Bashiir Raage Shiiraar ,Maxamuud Axmed Nuur”Tarsan” ,Maxamed Cali Ameeriko iyo Dr Cabdi Naasir Maxamed Cabdulle.

Horay waxaa isku Diiwaan geliyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed,C/qaadir Cosoble Cali,C/rashiid Cali Sharmaake iyo Maxamuud Maxamed Culusow.
Waxaa jira Musharaxiin kale oo aan weli Isdiiwaan gelin,iyadoo Isdiiwaan gelinta ay ku Egtahay 29-ka Bishaan oo ku beegan Berri oo Axad ah

Like it? Share it!