ffffff

Hamigii Wadamada deriska ee faragelinta ku haya Somalia oo God mugdi ah ku dhacay

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah oo la Xiriira Doorashada .

Cumar C/rashiid oo hadda ah Musharax u ordaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan Faragelintoos ah oo Dowladaha Dariska ay ku hayaan Doorashada Soomaaliya,waxaana uu ugu baaqay Baarlamaanka in ay iska ilaaliyaan Faragelinta Tooska ah ee Wadamada Dariska ay ku hayaan Doorashada.

Sidoo kale waxaa uu Carabka ku dhuftay Ra’iisul Wasaare Sharmaake in Dalalka Dariska ah ee hadda faraha kula jira Arrimaha Doorashada in ay wataan Shaqsiyaad gaar ah.

“Waxaan soo jeedinayaa in Baarlamaanka Soomaaliya oo Mas’uul ka ah Shacabka Soomaaliyeed in aysan Ogolaan Faragalinta Qaawan ee lagu hayo Doorashada,Soomaaliya waa dal Madax Banaan iyada ayaana Xaq u leh in ay aayahooda ka Tashtaan”ayuu yiri Sharmaake.