ffffff

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Ollole Ugu Jira Inuu Noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Mudane Maxamed Cabdillaahi Cumar oo tan iyo intii xilka wasiirnimo uu madaxweyne Siilaanyo ka qaaday xarun ka dhigtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wararku sheegayaan in uu ol’ole adag ugu jiro sidii loogu magacaabi lahaa xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo raysalwasaare ku-xigeenka.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa ay xogaha laga helayo ilo ka agdhow Villa Soomaaliya iyo magaalada Nairobi sheegayaan in uu dhowaan isugu yeedhay xildhibaannada labada gole ee baarlamanka Soomaaliya kaga jira beesha uu ka soo jeedo, kuwaas oo rag ka mid ah oo uu isagu kharashkooda bixiyey ay safar qarsoodi ah ugu tageen magaalada Nairobi.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu xildhibaannadan u bandhigay damaciisa ah in uu noqdo raysalwasaare ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo wada jira, haddii la isku daro, ama ka dambe oo keliya ah haddii la kala reebayo, mansabkan oo aalaaba xukuumadihii kala dambeeyey ee dawladda Federaalka Soomaaliya u magacaabi jireen xubin ka soo jeedda Somaliland, gaar ahaan beesha dhexe. Xukuumaddii tan ka horreysayna uu xilka raysalwasaare ku xigeenka hayey mudane Maxamed Cumar Carte oo ay isku beel ka soo jeedaan Dr. Maxamed Cabdillaahi.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Dr. Maxamed Cabdillaahi uu xildhibaannadan ka dalbaday in ay la galaan ol’olaha uu kursigan ku doonayo, laakiin xogtu kuma ay darin, kulankan ka dhacay mid ka mid ah hudheellada qaaliga ah ee Nairobi, in uu Dr. Maxamed xildhibaannada u dhiibay lacag ol’olaha qayb ka noqota.

Dhanka Kalena Maxamed Cabdillaahi oo ah xubin muhiim ah oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, xidhiidh adag oo  gaar ahna la’ leh guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee isla markaana ah murashaxa ayaa intii ay dawladdii hore ee Xasan Sheekh xilka haysay marar kala duwan la helay warar sheegaya in uu xil ka doonayo ama sababo kale oo siyaasi ah ula xidhiidhay Villa Soomaaliya, in kasta oo aanu wax guul ah ka gaadhin. Waxaa ay arintani calaamatu su,aal saaraysa hadalada deedifaynta arimaha Somalia ee mudane Muuse biixi ka soo baxaaya sida ay isu qabanayaan in qofkii isaga siyaasad ahaan ugu dhawaa dadkuna kuba tilmaamaan maskaxda Muuse ee arimaha debada uu si joogtaa ugu dadaalaayo inuu xil wasiirnimo ka qabto Somaliyada cadawga ku ah jiritaanka Somalilan

Si kastaba ha ahaato ee, waxa uu ballanku yahay in xildhibaannadu ay Muqdisho ka bilaabaan dhaqdhaqaaq ay qorshaha Dr. Maxamed ku qancinayaan madaxda sare ee dawladda iyo dadka ka soo jeeda beesha Isaaq ee la filayo in ay galaan-gal dheeraad ah u leeyihiin Villa Soomaaliya.