ffffff

AKHRISO. Madaxweyne Gaas oo 5 arrimood Barlaamanka Puntland xilka ugu qaadi doonan.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, waxaa maalmihii ugu dambeeyey ka yaallay Mooshin aan caadi ahayn oo ay diyaariyeen xildhibaannada baarlamaanka Puntland, walow aan weli guddoonka baaarlaamaanka loo gudbin.

Xog ay heshay Wakaaladda Xogtadalka.com ayaa waxay sheegeysaa in Gaas oo xilkiisa ku weyn doono Shan arrin oo kaliya, kuwaasi oo haddii lagu sii eegto loo arkay in Puntland aaneyba sii jiri doonin.

Waxay kala yihiin waxyaabaha lagu haysto:

1- Musuq aad u xooggan

2- Amnigii oo faraha ka baxay intii uu joogey

3- Shaqo la’aan dowladda ah

4- Xiriirkii Puntland ay la lahayd Soomaalida inteeda kale oo xumaaday

5- Shabaab oo ku xoogeystay deegaannada Puntland

Hadaba Gaas dhammaan qodobadaan sixiddooda waxa uu hadda ka gaari kara ma ahan, sidoo kalena waxay ku qaadaneysaa inuu saxo sanado aad u badan.