Maamulak Somaliland oo ka masaafurisey Magalada Hargeysa labo ruux oo Ajanib ah.

| Thursday, Mar 2, 2017 |

Laba ruux oo u dhashay Dalka Denmarka ayaa laga masaafuriyey Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Maxamed Ibraahim oo ah wasiirka qorsheynta Maamulkaasi ayaa xaqiijiyey in labadaasi qof oo midi haweney tahay ayaa u shaqeynayey Hay’adda DRC.

Labada ruux ayaa sababta loo masaafuriyey lagu sheegay in ay u gefeen Diinta islamaamka islmarkaana labadooduba kiiskaas cadeyn tiisa lagu helay.

Haweneyda ayaa lagu helay in ay handaday Darawalkeeda isagoo salaad duhur tukanayey xili ay ka so degtay Garoonka Diyaarada Magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Shaqsiga kale uu u gefay Aadaanka salaada islamarkaana cadeymo sax ah lagu helay.

Like it? Share it!