ffffff

Macalimiin Ajanib ah oo laga Afduubay xeryaha Dhadhaab.

Wararka ka imaanaya xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegaya in Laba Macallin oo aan Soomaali ahayn laga afduubtay halkaasi.

Macallimiintaas ayaa la afduubay xalay, sida ay sheegayaan goobjoogayaal.

Waxaa laga kexeystay gurigooda oo ku yaalla xerada Xagardheer, Waxaana weerarkan ka dambeysay koox aan la garan illaa iyo hadda.

Dowladda Kenya iyo laamaha amniga ayaan weli cadeyn afduubkan laga soo sheegayo Xagardheere.

 

XIGASHO:- BBC