ffffff

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland oo xariga ka jarey xarun lagu dhaqan celinaayo dhalinyarada.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa manta xariga ka jarey Xarun lagu dhaqan celinayo dhaliyarada ka soo baxda Ururka Alshabaab ee isku so dhibta Maamulka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Sayid Aadan ayaa sheegay in ay maamulkooda ay so dhaweynayaan cid kasto ka soo baxda Ururka Alshabab.

Xaruntan cusub ee manta laga hergaliyey Magalada Kismaayo ayaa waxa malgalisey Dowlada Jarmalka

 

Xaruntan ayaa noqoneysa midii ugu horeysay ee laga hirgeliyo Magaalada Kismaayo oo hada caasimad ku meel gaar ah ee u ah Maamulka Jubbaland, taas oo lagu dhaqancelin doono dhalinyarada ka soo goosata fikirka ururka Al-shabaab.