ffffff

Bambaanooyin dhowr ah oo lagu weeraray xarunta maxkamadda darajada Kowaad ee magaalada Bosaso.

Wararka naga soo garaya Magalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in Bambo gacmeyd lagu werarey Maxamed Darajada kowaad ee Gobolka Bari Manta.

wararka ayaa intaas ku daraya werarkas in ay ku dhawacmey 3 ruux oo sahacab rayid ah

 

Goob jooge ku sugnaa goobta falkaasi ka dhacay ayaa GO u sheegay in saddex Bambo lagu tuuray Maxkamadda oo dhagaysanaysay Dacwad Madani ah.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Balse, kooxaha Argagixisada ah ee Al Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan weerarada oo kale ka gaysta magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Madaxweyne Gaas.