ffffff

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Soomaaliyeed ee Puntland oo ku kulmay Madaxtoyada Soomaaliya.

Madaxaweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdilaahi Cumar Camey oo manta Madaxweynaha Sooomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kula kulmay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ugu warbixiyey Abaarta ka jirta Deganada Puntland.

Mudane Cabdixakiin Camey ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inay jiraan xoolo dhaqato Soomaaliyeed oo ku soo hayaamay qaarkamida Gobolada Puntland kuwaas oo ka kala yimi Waqooyiga,  Galbeedka, iyo Koonfurta Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha DFS guushii uu ka gaarey doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya 8 February 2017, isla markaana waxa uu guulweyn ku tilmaamay go’aan qaadashadii geesi-nimada lahayd ee uu ku soo xushay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isla mar’ahaantaana ay Baarlamaanka Soomaaliya si sidaasi lamida ay ku ansixiyeen.

Ugu danbayn, Mudane Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland Alle uga baryey inuu ka dulqaado abaarta saamaysay dad iyo duunyoba  isla markaana uu Alle ugu bedelo raxmadiisa.