ffffff

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo la ogaaday inuu wax ka oogaa Heshiiska Imaaraadka ee Saldhiga Berbera.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Dibadda dowladdii KMG aheyd, haatana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Wadani, ayaa sheegay in Cumar C/rashiid uu ku lug lahaa heshiiskaas.

Mr Buubaa oo la hadlayay wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa kashifay in Cumar C/rashiid qeyb ka ahaa heshiiskaas, isagoo xusay in Somaliland kaliya aanay heshiis geli karin.

“Warar sugan lama hayo, mana aha in warar ku tiri kuteen ah la sheego, laakiinse waxaanu iska garanaynaa in dawlad kasta oo Xamar timaada ay aragtideeda ka bixinayso, waayo kuwii markii horeba u ogolaaday Imaraadka waxay ahayd Dawladdii hore ee Cumar Cabdirashiid, waana laga war hayey, wax la isla ogaa bay ahayd,  maahana wax Dawladda Xamar aanay ka war hayn, ee yaan dadka been loo sheegin”ayuu yiri Ismaaciil Buubaa

Dowladda Farmaajo ayaa dhowaan muujisay sida aanay ugu qanacsaneyn Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisaneyso Berbera, waxaana Madaxweynuhu arrintan uu kala hadlay dowladda Sacuudiga oo saaxib dhow la ah Imaaraadka, in arrinta saldhiga Milateri ay ka baaqsato.