Wasiirka Amniga Puntland oo ku baaqay in la toogto maxaabiista dilka ku xukuman ee ku jira Xabsiyada Puntland.

| Saturday, Mar 4, 2017 |

Cabdi Xirsi Qarjab Wasiirka Amniga Puntland oo manta warbaahinta kula hadlayey gudaha Magalada Garoowe ee Caasumada Puntland ayaa sheegay in la wada togto maxabiista Alshababta ah ee ku xiran xabsida puntland.

Wasir Qarjab oo hadalkiisa si wata ayaa wax lagu xumado ku tilmaamey in xabsiyada puntland lagu quudiyo Alshabab la xukumo lagu ridey

“Wixii xabsiyada ku jira ee horay loo xukumay waa in la laayo, ayagana waa na leynayaan sow mahan, kuwa inoo xiran ee raashinka naga dhameeya, ee muddo sanad ayaa bariis siineynaa, kuwaas dad xukuman waaye, maxaa u sii heysaneynaa”ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland.

Puntland ayaa horay xukuno dil ku riday dhalinyaro badan oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana horay dilal ugu fulisay dhalinyaro badan oo ay sheegtay inay qeyb ka ahaayeen dilalka qorsheysan ee deegaanadeeda ka dhaca.

 

Like it? Share it!