ffffff

Maxa lagu garta Hoggaamiyaha wanagsan W/Q Weriye Sharmaarke Yare

Ilaa burburkii Somalia 1991, waxaa qolo walba ku caano shubaysay Oday dhaqameed, ama Siyaasi ama Wadaad inuu yeesho hogaanka qolyahaas, laakiin midna kumaysan aflixin ama waaba yartahay inta hogaamiye ee xaqiijisay hankii laga lahaa.
Marka laga yimaado in qolo walba ay sameysatey hoggaamiye waxa jirtey in Soomaaliya Bur burki kadib ay ka soo taliyeen Hoggamiyaal kala duwan iyagoona awaoodi wayey in dalka ay ka saran dalalka shisheeye ee fara galinta qawan ee aan geedna loogu so gabanin ku haya Soomaaliya.
Gabay ah yaa u garnaqaya ninka muwadinka ah iyo kan dhig mirta ah.
. Soomaali gobannimo waxaw geeyey leegada’e.
. Gabbaad lagu hirtaa bay noqdeen amase gaashaane
. Nimankaa guntadey oo xornimo goor walba u taagan
iyo kaan la garanayn macnaha yaw garnaqi doona?
Macnaha waxaa jira rag sheegta masuuliyiin oo xilalka marka ay qabtaan dalka shisheeyaha ka gada iyo mid jaceyl dalka inuu shisheeyaha ka saro marka yaw garnaqi doona

Hadaba side lagu ogada Hoggamiyaha wanagsan.
Soomaaliya waxay u bahan tahay Hoggaamiye wanagsan oo matali karaa shacabka kana sari karaa dhibatooyinka ay hada ku jirto Soomaaliya sida Colaado,Abaaro,Qabil,Maamulo aan taayo lahayn,Jarifka bada lagu hayo, iwm.
”Gabay”

Soomali weyney dareenkina isiiya.
waa ino dar daraane dowlad hadan la doonin.
hadan la iska danbeen hadan lays daryeelin.
dowlad ma hagagtee aan u kacno midnimad Soomaaliya.
Tusaale ahaan.
Hogaamiyihii Waynaa (Muxamed SCW) Nabigeena Suuban SCW, inta uusan Duulaankii Badar qaadin, wuxuu la tashtay Asxaabta wuuna ka talageliyey duulaanka, Saxaabigii waynaa ee Miqdaad binul Aswad ayaa ku yiri Nabiga SCW “ku oran mayno sidii Banii Isra’iil ay ku tiri Nabi Muse adiga iyo Rabigaa orda oo dagaalama anagu waa iska fadhinaynaaye, ee Rasuulka Allow soco oo na horkac anagana waan kula jirnaaye”. Rasuulka erayadaas wuu ku farxay wuxuuna asxaabtay amray inay gaalada ku duulaan.

Markii muslimiintu ay tageen ceelkii Badarna, Saxaabi la oran jiray Xabaab ibnu Mundir ayaa yiri “ Rasuul Allow ma ilaahay ayaa ku amray inaad goobtaan degto, mise waa dhagar dagaal iyo xeeladiisa. Markaasuu rasuulku yiri mayee waa dagaal iyo xeeladiisa. Saxiibigii wuxuu talo kusoo jeediyey in Ceelka Biyaha laga xigsado gaalada oo muslimiintuna ay ka cabaan gaaladana laga haraadiyo”

Markii gaalada laga qafaashayna 70, wuxuu asxaabta ka talagaliyey sida laga yeelayo. Abuubakar ayaa soo jeediyey in layska cafiyo oo ay isfurtaan(Fidyo). Talada laysku raacay waxaa khilaafsana cumar ayaa qabay in surka laga guro. Waxaase markii dambe soo dagay quraan taageeraya taladii Cumar bin khadaab.

Talooyinka uu la wadaagay asxbaatay waxay ka mid ahayd sababihii guusha Duulaankii Badar marka laga yimaado Nasriga Allaah uu siiyey Muslimiinta.

Nabigu wuxuu ahaa hogaamiyihii ugu waynaa ee ebid duhanida soo mara, hadii taariikhdiisa ay akhrin lahaayeen madaxda somalida wax weyn ayay iska badali lahaayeen.

Cumar Bin Khadaab (Khaliifkii Muslimiinta)

Cumar oo ahaa khilaafadii dowladii waynayd ee muslimiinta ayaa damcay inuu xadeeyo meherka gabdhaha lasiinayo, gabar ayaa ka hortimid oo tiri ma wax ilaahay xaq noo siiyey ayaad badalaysaa adigu. Markaas ayuu yiri “ Cumar waa gafay, gabarna waa saxday”

Marka wuxuu ahaa hogaamiye la naqdin karo oo khalad laga qaban karo. Balse waxaa badalay kuwa xitaa aan la fiirin karin Mahatir Mohamed

Waa raysal wasaarihii hore ee dalka Malaysia, wuxuu xilka qabtay 1981 iyada oo dadkiisu 52% ay yihiin fakhri, Malaysia oo ku tiirsan kaliya beeraha oo aan lahayn wax wershado ah.

Wuxuu qoray kitaab uu ku canaananayo dadkiisa Malayga ah oo uu ku tilmaamayo inay yihiin dad caajislowyaal ah, wuxuuna kasbaday qalbigooda, wuxuu Malaysia u badalay wadan maamul wanaagsan oo wax soo saar leh, 2002 dadkii fakhriga ahaa ee Malaysia waxay noqdeen 5% kaliya, 80% waxay ay dunida u iibgayso waa wax lagu sameeyo warshadaha dalka Malaysia, 85% gawaarida ay kaxaystaan waxaa lagu sameeyaa dalka gudihiisa.

Sidaas oo ay tahay isaga oo la jecelyahay ayuu xilka ka degay 2003 markii uu arkay in ay jiraan rag kale oo uga haboon inay sii wadaan geedi socodka horumarka Malaysia.

 

12 Astaamod ee lagu garto Hoggaamiyaha wanagsan.
Culimada ku xeelka dheer Cilmi-nafsiga bulshada aadamiga ah, waxay xaqiijiyeen oo farta ku wada fiiqeen ;” Ahmiyadda Hoggaaminta iyo kaalinta ay ku leedahay dhismaha iyo horumarka bulshooyinka kala geddisan”. Waxay Culimmadu caddeeyeen ; Inuu Madaxweynuhu ama Hoggaamiyuhu saldhig u yahay ; isku-duubnida iyo wadajirka qaybaha bulshada uu hoggaaminayo, degganaanshaheeda, gaadhida ujeeddooyinkeeda, ku-dhaqanka Aydiyaloojiyadeeda iyo gudashada hawlaheedaba.

Hawlaha hor-yaal ee laga rabo inuu guto Hoggaamiyuhu, waxay ku xidhan tahay hadba nooca bulshada ee uu hoggaankeeda hayo iyo waddada siyaasadeed ee ay ku taagan tahay.
Hoggaamiyayaasha kala geddisan ee bulshooyinka dimuqraadiga ah, tan Diktatuuriyadda(kali-talis) iyo kuwa ku sugan qaababka jaha-wareerka, qaska iyo kala-dambayn la’aanta, way kala duduwan yihiin, maxaa yeelay ; isku nidaam, hab iyo xeer midna ma aha saddexdoodu.

Waxaa kaloo hoggaaminta bulshada hadduu qabto, isaguna ku fashilmaya; Qofka leh astaamaha wanaagsan ee hoggaaminta bulshada, sida; Geesinnimada, Deeqsinimada, Go’aan-qaadashada, Degganaanshaha, Garsooridda iwm. hase yeeshee, ay ka maqan tahay Hawl-karnimada, Waayo-aragna aan ahayn, waana sida loo yidhaahdo;” Waayo-aragnimo la’aaney ba’..”.

Waxaa la arkay rag shahaaddooyin sar-sare wata, aqoon iyo akhlaaq aanay ku yarayn, magac iyo muuqaal weyn leh, hase yeeshee, aan labo xadhig isku xidhi kareyn, xafiisyadoodu ay hadhaysay fadhiidnimo hawleed, tallaabo kastoo ay qaadaanna laga sheeganayo wax qabad la’aan oo aanay hawlahooda gudan.

Marka aynu hoos u eegno sifooyinka iyo astaamaha wanaagsan ee lagu garto Madaxweynaha ama Hoggaamiyaha Wanaagsan, ma fududa xadidaddoodu, maxaa yeelay, waxay badanaa ku xidhan tahay; Mawqifyada hadba soo wajaha hoggaamiyaha, waaqaca aan laga gudbi karin ee hor-yaal iyo deegaan-bulshadeedka ku xeeran, waana sida ay Murtidu sheegtay ” Haddii uu nin geesi ahi, raggu (geed-adayg yahay), haddaan garabka lala qaban guri oodi maayo..”(H.Gufaaco).
Astamaha.
1. Waa inuu Allihiisa weyn ka baqayo, niyad u hayo, daacad iyo diyaar u yahay xilka hoggaaminta bulshada, waddanina yahay.

2. Waa inuu jidh iyo maskax-ahaanba bad qabo, si uu karti ugu yeesho xil-gudashadiisa.

3. Waa inuu Shakhsiyad, muuqaal iyo akhlaaq wanaagsan leeyahay.

4. Waa inuu dadka qancin karo, ra’yigiisana si fiican u cabbiri karo, si dhiirranna hadalka u karo, go’aan qaadashana leeyahay.

5. Waa inuu doonayo inuu dalka iyo dadkaba wax u qabto, dul-qaad iyo geesinimana muujiyo.

6. Waa inuu ka dhisan yahay dhinacyada; aqoonta guud, in ku filanna ka yaqaan cilmiga bulshada, diinta, siyaasadda, ugu yaraanna hal luqad oo caalami ah si fiican wax ugu cabbiri karo, si uu adduunka kale ula macaamilo.

7. Waa inuu leeyahay hal-abuur ,kana dabbaalan karo caqabadaha, maareyntiisuna mid macquul ah tahay.

8. Waa inuu leeyahay aragti dheer, wax sii saadaalin karo, dibin-daabyadana dareemi karo.

9. Waa in uu dadka kale iskaashi la samaynayo, qaddarinayo ra’yigooda, isla-weynina ayan ku jirin.

10. Waa inuu si caqli iyo miyir ah wax ku xallin karo, caadifadahana iska xakamyn karo.

11. Waa inuu joogto u horumarin karo xiriirka uu dadka kale, gudaha iyo dibadaha la leeyahay.

12. Waa inuu bisayl iyo waayo-aragnimo xambaarsan yahay.

Haddii astaamahan badankood laga helo Madaxweynaha ama hogaamiyaha, waayuhuna saacido, dadweynaha iyo xubnaha dawladduna garab-galaan, waxay u badan tahay, inay arrintu noqon karto;” Rag baa ka taliyay, Rabbina waa aqbalay..”

Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ee ku guleystay xilka madaxweynimo 2-8-2017 ayaa ahaa qofka kaliya ee ummada Soomaaliyeed u gacan hatinayeen is lahayeen Farmaayo shisheeyaha ayuu naceb yahay dalkana waa uu dhisi doona.

Balse markaad fadhisatid gobaha fadhi ku diriirka ama siyasada lagu falan-qeeyo waxaad arkaysa dadki shalay u gacan hatiinayey Madaxweyne Farmaajo oo hadana dhalecenaya wana tan ay ssomalidu tiraahdo” Nin xil qadeyn eed qaad”
Madaxweyne Farmaajo ayaa balan qadyadisii kamid ahaa inuu dhisi doono ciidamado isku dhaf ah oo hanan doona dowladnimada Soomaaliya.

Maxaana ra,i ahaan oraan karaa manta Madaxweyne Farmaayo waa sida Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan oo kale, Farmaajo ayaa waxaa lagu xasuusan doona marku sida u yimi xafiska madaxweynaha inuu kulan deg deg ah la qatey Guddiga Abaraha Soomaliya isago kala hadlaya xalada Abaared ee ka jir dalka taas oo la is oraan karo Farmaajo wuxuu haaya wadadi hogaamiyaha wanagsan lagu garto ee aan kor ku so xusney.
Gabay ka hadlaya Guushi Madaxweyne Farmaajo.
Dulmigii la feegaaro ee feerma lagu jiido,
Naxligii la fuurshaahu waa fugan insha allaahe,
Kolkaasey awooddii fufneyd kala furmeysaaye,
Xaquna intuu sii fidoow faafka wadayaaye,
Faalka iyo dhashiikaa iyo weliba faarowga,
Falaaraa wixii loo subkoow Faahin garayaaye,
Faral iyo jihaad baa inaga fuulay dhaladeene
Fadhi nooma yaalee inaan fulina weeyaane.
Kol hadaan firin nabadahoo fiixle heli waayay,
Falastiin ilaa xamar haddii la isku feenaayo,
Firaash lagu gama’aa iyo hurdo igu filloon daaye,
Fajarkiyo aroortiyo harkii amase fiidkiiba,
Halka aan fariistaba haddii laygu fara saari,
Oonan xubin fayooboo laheyn faashad lagu duubin,
Faruuryuu haday xiran yihiin figana lay dhuujay,
Cowraday haday feytantoo la I fadeexeeyo,
Fara gelinta joogtada anoo ka fal celinaaye,
Landhan fooqyadeedii iyo ruushka furihiisa,
Waa inaan farjiiniyo gubiyo teerya faransiiska.

Intaasi fariin iyo tusmiyo faaqidaad huban dheh,
Toggi faafaneed iyo furaad oo fatahayaa dheh,
Fareejiyo nal aan kuu shidiyo fiijin iyo baaq dheh,
Adiguna fudeyd lama rabee fiiri taladeyda,
Farsamada xigtii kuu hadhaan kuu fandhaal dariye.

Ferenjiga furqaan caayiyo faajirkiyo eeyga,
Iyo feyl intii kula jiree ferenbigoodiiye,
Marki faraska loo koray dagaal ee la fadal qaaday,
Firxadkoodi aawgiisi bay fiintu oloshaaye,
Foolkaanadi janaale iyo fiiggi iyo roorki,
Kulbiyoow falkiisi iyo kala faniinkiisi,
Ceel cadde fagtii hore wixii firirsanaa meesha,
Furuntii jamaacee tigree foolka lagu diiray,
Leego wixii fuq yiiliyo qadaad faayo iyo dhoolo,
Westi geyd filinkeediyo dhiigi falaqleeyay,
Wixii meyd la fooraariyoo fuuray baad garan’e,
Ha yeeshee war baan kuu furaa aad ku faraxdaaye,
Fasalkaan waxaan maaganaa taa ka fara weyne,
Murtad iyo fircoonada wadaa fooda lays dariye,
Xaajada fudeyd iyo markii fiicni laga waayo,
Fuleynimada waa lagu yaqaan iyo fagaareyne,
Kobti ay fagtaanoo galaan faaga baa xigiye,
Insha allaah wixii aan falkiyo waa fajici uunku.

Intaasi fariin iyo tusmiyo faaqidaad huban dheh,
Toggi faafaneed iyo furaad oo fatahayaa dheh,
Fareejiyo nal aan kuu shidiyo fiijin iyo baaq dheh,
Adiguna fudeyd lama rabee fiiri taladeyda,
Farsamada xigtii kuu hadhaan kuu fandhaal dariye.

Faqla orodka faataa dhugtiyo fiira li qowl ah,
Calmaaniga fagaara la yimi faanka iyo tookha,
Faq faqdiisu waa badatiyo waa fir jarayaaye,
Falka naxiisa baan sugi iyo faashil iyo ceebe,
Ha soo fuulo geenyada ragbaa fooruhuu tegay’e.

Shareecada nin fowdiyo u qaba fin iyo boog daahay,
Ibliis furundugleyn baa arladi soo fakoocsaday’e,
fidma walaha soo fooganee faasaq iyo tuuga,
Fasaad iyo waxaa loo igmaday feyrus gaalnimo’e,
Fariidkiyo fogaan aragiyo weliba foolaadka,
Fahma qabaha waa diidayaa faalla bixiyaaye,
Fara gelin shisheeyuhu wadoow foox u shidayaaye,
Waa fanaan u heesoo kaloo una far jaawshaaye,
Shaarubada ninkaa firinayee farac maraykaana,
Fikradaha taraamuu sidaa oo fasaxayaaye,
Gobanimada uu sii fogeyn waa la soo furan’e,
Farmaajiyo intii raacda ee ficil yuhuudeed leh,
Waa in faasku gooyoo rasaas lagu faruuraaye.

 

W/Q Weriye Sharmaarke Cabdulqaadir Jamac ”Sharmaarke Yare”
Email. Sharmaayare2016@gmail.com