ffffff

SAWIRRO+DAAWO: Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo lix Gaari booyadood ah ku wareejiyey PSAWEYN

Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha Eng CabdiXakiim Xaaji Cabdullaahi Camey ayaa kuwareejiyey Hay’adda Biyaha & Tamarta Puntland ee PSAWEYN gaadiid booyada ah, kuwaas oo ay soo gaday Hay’addan ka dib markii ay guddiga Gurmadka Abaaraha ka heshay Lacag gaaraysa 100,000 Kun oo Dollar.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa u sheegay Madaxda Hay’adda PSAWEYN in ay si wanaagsan uga soo dhalaaleen soo gadida baabuurtan, waxaana uu sheegay in gaadiidkan uu yahay mid dawladood oo aan cidna si gaar ah isticmaali Karin.

Eng, Camey ayaa cadeeyey in ay Hay’adda PSAWEYN ay masuul ka tahay gaadiidkan, oo lagula xisaabtami doono, xoogana lagu sari doono sidii loo ilaalin lahaa.

Kusimaha Gudoomiyaha Hay’adda PSAWEN Maxamed Salaad ayaa sheegay in ay gaadiidkii hore faa’iidada laga dhaxlay awgeed ay markale dawladdu garowsatay baahida loo qabo gadida gaadiidkan Biyaha oo waqtigan si weyn loogu baahnaa.

Gudoomiye Maxamed Salaad ayaa ku sifeeyey go’aanka dawladdu ku gaday Booyadahan kuwa si weyn loogu baahnaa, waqti-wanaagsana ku soo beegay xili ay muhiimad weyn ugu fadhiday mandiqada oo dhan.

Wasiir Howlaha guud, Gaadiidka & Guryeynta Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa sheega in ay gaadiidkan siin doonaan taarikada dawladda, ee loo yaqaano GD-da taas oo muujinaysa in ay dawladdu leedahay.

PSAWEYN ayaa lagu amaanay sidda ay u maaraysay lacagta lagu soo gaday gaadiidkan, waana markii labaad oo lasoo gado gaadiidkan, waxaana ay noqonaysaa tiradda gaadiidka biyaha ee lasoo gaday 12 booyadood oo looga maarmay baahi weyn oo lo qabay gaadiidkan.