Dhageyso: Dad Xoolo dhaqato ah oo lagu laayay Bariga Gobolka Mudug.

| Sunday, Aug 27, 2017 |

Wararka naga soo gaaraya Bariga Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Tuulooyin Hoos yimaada Deegaanka Godod ee Bariga Gobolka Mudug ay Koox Maleeshiyaad Hubeysan ah ay Xalay  ku dileen Dad Xoolo dhaqato ah.

Inta la Xaqiijiyay Labo Qof ayaa ku Geeriyootay Weerarkaasi,halka uu ku dhaawacmay Qof kale,iyadoo illaa hadda aan la ogeyn Cidda ay ka amar qaataan Maleeshiyaadka Dilka Geystay.

Degaanka uu Xalay Weerarku ka dhacay ayaa Dhowr jeer oo hore waxaa uga dhacay Dilal ku saleysan Aar-goosi Qabiil.

Like it? Share it!