DEG DEG: Diyaarado duqeeyay Daacishta ku sugan Puntland

| Monday, Aug 28, 2017 |

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaanka Caluula ee Gobolka Bari,waxana Saraakiisha Ciidamada Puntland ay sheegeen in lala beegsaday fariin ay leeyihiin Kooxda Daacish.

 

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo buuraleey u badan,in kastoo duqeyntaas aan weli la shaacin khasaaraha ka dhashay.

 

Weli Saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland ma shaacin halka laga leeyahay diyaaradaha duqeynta ka fuliyay qeybo ka mid ah gobolka Bari.

Like it? Share it!