XOG CUSUB: M/weyne Farmaajo oo u safri doona Dal uu casuumaad ka helay

| Monday, Aug 28, 2017 |

adaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu dhawaan safar ku tagi doono Dalka Suudaan.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in uu socdo qorshaha safarka madaxweynaha, isla markaana uu casuumaad ka helay madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa tan iyo markii la doortay wuxuu casuumaad ka helay dhowr dal oo taageera Soomaaliya, waxaana dowladiisa caalamka uu u aqoonsaday dowlad ka timid shacabka.

Soomaaliya iyo Suudaan waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah, waxayna dowlada Suudaan ka mid tahay dowladaha sida gaara u taageeray Soomaaliya, intii ay ku jirtay burburka waxaana deeqo waxbarasho ay u sameeyeen arday badan oo Soomaaliyeed.

Safarka Madaxweynaha oo aan la sheegin waqtiga rasmiga uu yahay ayaa la filayaa inuu noqdo safarkiisa ugu horeeya ee dalka uu kaga baxo.

Like it? Share it!