Gaadiidka Uuraalaada Itoobiya oo kuwajahan Deegaan Caan Ah//Cabsi Jirta & Shabaab oo Difaac Sameystay

| Tuesday, Aug 29, 2017 |

Wararka inaga soo gaaraya Deegaano katirsan Gobolka Sh/Hoose ayaa soo sheegaya in Xaalad Kacsanaan ah laga dareemayo Deegaanada qaar.

Duulaan ayaa waxa lagu qaaday Deegaanka Leego Ee Gobolka Shabellaha Hoose,halkaasi oo Shabaab ay maalmihii lasoo dhaafay kusugnaayeen.

Uuraalada Itoobiyaanka ayaa la arkayey iyagoo ujiheystay dhinaca Leego oo Shabaab kusugan yihiin.

Barakac ayaa lasoo warinayaa in ay sameenayaan dadka ku dhaqan Leego iyagoo ka cabsi qaba in waxyeelo kasoo gaarto deegaankaasi hadii la isku fara saaro.

Dhinaca kale Shabaab ayaa waxey sameysteen Difaacyo waa weyn oo ay ku doonayaan inay iskaga caabiyaan Ciidanka Itoobiya,Kuwa Dawlada Soomaaliya iyo K/Galbeed oo wadajir duulaan uqaadaya.

Like it? Share it!