XASAASI: Dowladda Soomaaliya oo heshiis dhex dhigeysa Itoobiya & ONLF & Xog ka cusub Xaaladda Qalbi dhagax

| Tuesday, Aug 29, 2017 |

Dowaldda Soomaaliya ayaa rajo xoogan ka qabta iney ku guuleysato dhex dhexaadinta ay ka dhex wado dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF.

Sida laga soo xigtay sargaal katirsan xafiiska Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Itoobiya ayaa dooneysa iney la heshiiso ONLF waxaana saraakiil ka socota kooxdaas ay ku sugan yihiin Muqdisho.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa dhanka kale beeniyay in si xoog ah Itoobiya loogu wareejiyay C/Xakiin Sh Muuse Qalbi dhagax laakiin ay socdaan wadahadalo heshiisiin ah.

Warar saacadihii lasoo dhaafay la helayay ayaa sheegaya in dowladda ay Itoobiya ku wareejisay sargaalkan oo noloshiisa baxsad lahaa.

Qalbi Dhagax oo kamid ahaa madaxda ONLF ayaa haatan wadahadal kula jira Itoobiya, waxaana la filayaa in xubno kale ay soo raacaan.

Jabhadda Xoreynta deegaanadda Soomaalida Itoobiya ayaa mudo dheer la dagaalamaya dowlada dalkaas, laakiin wararka ayaa sheegaya in wadahadalka ay wado DFS uu guul ku dhow yahay.

Like it? Share it!