DHAGEYSO: Siyaasiyiin Caan Ah oo Xeraale Dagaal Ka Hurinaya & Magacyadooda Oo La Helay

| Wednesday, Aug 30, 2017 |

Qaar ka mid ah Siyaasiyiin Caan Ah ayaa lagu Eedeeyey inay ka dambeeyaan Dagaalka kusoo laab laabtay waayahaan Dambe Deegaanka Xeraale Ee Gobolka G/gaduud.

Waxa ka mid ah Dadkaasi La Eedeeyey C/samad Macalin Maxamuud oo Hore Wasiir uga soo noqday Dawlada Soomaaliya islamarkaana la sheegya in Dhibaato ka hurinayo Xeraale.

Gudoomiyaha Xeraale Bashiir Daahir Dhaga badan ayaa waxa uu sheegay in La war helay C/samad oo isku dayaya in Isgaarsiinta jaro si loo halaago shacabka Deegaankaasi ku dhaqan isaga iyo aabihiisna ay Dabka ka wadaan sidii Xerale loo bur burin lahaa.

Dhaga badan waxa uu sheegay in Ahlusuna ay Duulaan cad kusoo qaaday Shacabka Xeraale ayna taasi ka dhiidhinayaan dadka deegaanka oo iska difaacay.

Like it? Share it!