DHACDO NAXDIN LEH: Gabar Dhalinyaro ah oo Kufsi & dil loogu geystay Magaalada Marka

| Thursday, Sep 7, 2017 |

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in gabar dhalinyaro ah la kufsaday kadibna la dilay.

Gabadhan dhalinyarada ah ayaa rag hubeysan ay qabteen xili ay kusii jeeday gudaha magaalada Marka, kadibna waa ay kufsadeen sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Markii kufsiga uu dhacay kadib ayay ragii six un udileen gabadhan dhalinyarada ah iyadoo sawiro laga qaaday ay muujinayaan qaabka arxan darada ah ee loola dhaqmay.

Warar laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in falkan loo geystay aano qabiil, maadaama magaalada Marka ay waayadii dambe ku dagaalamayeen beelo wada dega.

Ma jirto cid katirsan saraakiisha dowlada iyo maamullka oo ka hadlay falkan arxan darada ah ee lagu kufsaday laguna dilay gabadha.

Like it? Share it!