Dhageyso : Muran & Kalsooni daro ka Abuurmay Go’aankii dowladda ee Qalbi Dhagax

| Thursday, Sep 7, 2017 |

Su’aallo  badan ayaa ka abuurmay Go’aankii ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay arinta Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo lagu wareejiyay dowladda Itoobiya.

 Haddaba inkastoo oo ay dowladda ka jawaabtay su’aalo badan oo la’is weeydiinayay haddana waxa ay abuurtay su’aalo hor leh , kadib markii uu war saxaafadeedka akhriyay, wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan waa uu ka gaabsaday in uu wax su’aalo ah uga jawaabo warbaahinta.

Dhammaan Heshiisyadii ay dowladda soo daliishatay ayaa xubnihii saxiixay si kale u fasireen.

Wax ka badan labo todobaad ayay dowladda ku qaadatay in ay ka hadasho arrinta Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax , dhiibistii loo dhiibay dowladda Itoobiya.

Like it? Share it!