DHAGEYSO: Xildhibaano Fowdo Ka Sameeyey Maanta Xarunta Golaha Shacabka & R/W Kheyre oo..

| Saturday, Sep 9, 2017 |

Kulankii Xildhibaanda Somaaliya oo  la sheegay in uu ubaaqday Kooram la’aan ubaaqday ayna jireen Xildhibaano ku dedaalay in Kulanka uusan Qabsoomin waana ay ku guuleysteen arinataasi.

Xildhibaanada kasoo horjeeday in Kulanka Qabsoomo ayaa waxay dhex fadhiyeen Kulanka islamarkaana ay Arbushaad laga soo abaabulay Xafiiska R/wasaare Kheyre ay usocdeen.

Maxamuud Abuukaato  oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Lagu sameeyey Xarunta Golaha Shacabka Maanta Fowdo iyo Arbushaad ayna ka dambeeyeen Xildhibaanada Wasiirada ah Ee Xukuumada Xasan CaLi Kheyre.

Xildhibaanka waxa uu si kulul uga hadlay wixii maanta dhacay islamarkaana shaaca ka dhigay inay ka dhiidhin doonaan dhiibitaankii C/kiriin Qalbi dhagax loogu gacan geliyey Itoobiya.

 

 

Like it? Share it!