Ra’isul Wasaarihii hore Somalia oo si kulul uga hadlay Arinta Qalbi Dhagax ,Shaacana ka qaaday…

| Saturday, Sep 9, 2017 |

Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay Sargaalkii katirsanaa Jabhada ONLF ee dhawaan dowlada Soomaaliya ku wareejisay dowlada Itoobiya.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in khalad weyn aheyd talaabada dowlada Soomaaliya ku wareejisay C/Kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), waxa uu tilmaamay in sargaalkaasi uu ahaa Muwaadin Soomaaliyeed uuna ka xunyahay in Itoobiya loo gacan geliyo.

Ra’isul Wasaarihii hore Soomaaliya hadana ah Mudane katirsan Aqalka sare ayaa beeniyay in dowladdii hore ee uu ra’iisul-wasaaraha ahaa ay Itoobiya la gashay heshiis ay labada dal isku weydaarsanayaan maxaabiis iyo muwaadiniin.

Waxa uu sheegay in heshiiska ay golaha wasiirrada xukuumadda Kheyre ay u cuskadeen dhiibistii Cabdikarin Muuse Qalbi-dhagax uu kaliya ahaa heshiis dhexmaray Dowladda deeggaanka Soomaalida Ethiopia iyo maamulka Galmudug oo xuduudda labada dal colaadi ku dhexmartay.

Dowlada Soomaaliya ayaa taageerayaal badan ku lumisay dhiibistii ay dowlada Itoobiya u dhiibtay C/Kariin Qalbi Dhagax, waxaana Baarlamaanka Soomaaliya kulankooda maanta uga doodi doonaan arinta Qalbi Dhagax oo ah qodob xasaasi ah.

Like it? Share it!