DHAGEYSO SIR CULUS: Senetor Katirsan oo Afka Furtay+Hanjabaada Xukuumada Kheyre

| Monday, Sep 11, 2017 |

Gudoomiyaha Gudiga Difaaca Aqalka Sare Xil.Maxamed Amiin Ayaa ka hor sheegay Baarlamaanka Aqalka Sare Kulankii ay maanta yeesheen in Xaalad Hanjabaad ah ay gaartay.

Xildhibaanka waxa uu ka mid yahay Xubnaha sida weyn ugu doodayey in Arinta Qalbi dhagax laga doodo ayna ka xumaadeen dhiibitaankiisii.

Senetor Amiin waxa uu sheegay in Wasiiro katirsan Xukuumada ay uhanjabeen Xildhibaanada Aqalka Sare ayna ka hor istaagayeen in laga hadlo Arinta Qalbi dhagax.

Sabtidii ayaa sidaan oo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka laga hor istaagay Ka doodista Dhiibitaankii C/kiriin Sheekh Muuse Qalbi dhagax.

Gudoonka Aqalka Sare Ee Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in Go’aanka ay ka gaaraan Qalbi dhagax iyo warkii Xukuumada ay ka sugayaan marka hore Golaha Shacabka.

Like it? Share it!