Dhageyso: Ma runbaa in uu dhintay Cali dheere iyo  Dagaalyahanada Shabaab Oo Loo Sheegay.                       

| Saturday, Nov 11, 2017 |

Qaar ka mid ah Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay inay heleen Khabar ah inuu geeriyooday Afhayeenkii Guud Ee Shabaabka Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Waxa Dhowr mar lasoo bandhigay Warar sheegayey inuu geeriyooday Cali Dheere oo ka mid ah Saraakiisha sar sare Ee Ururka Al Shabaab.

Shabaab ayaa waxay sheegeen inay doonayaan sidii loo heli lahaa kuwa ka dambeeyey been abuurka la isla dhexmarayo ee lagu dhabar jebinayo Mujaahidiinta safka Jihaadka ku jira.

Dagaalyahanada qaar Ee Shabaabka ayaa lasoo war geliyey in uu shahiiday Sheekh Cali Dheere balse Ciidanka Xisbada ayaa raadinaya kuwa Warkaasi soo abaabulay taasi oo laga yaabo in Xubnaha Shabaabka dhexdooda Xabsi muteystaan.

Badweyn.com ayaa waxay ogaatay in hadda la xaqiijinayo Geerida Cali Dheere oo la sheegayo in Dawlada Soomaaliya ay raadineyso Macluumaad ku saabsan Arintaasi.

Like it? Share it!