Maamulka Jubbaland oo Kismaayo kasoo Dhoofiayay Ninkii lagu Eedeeyay inuu.

| Saturday, Nov 11, 2017 |

Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ka dhoofiyay Askari ka tirsan Ciidamada Puntland oo lagu Eedeeyay inuu isku dayay inuu Gabar Soomaaliyeed ku Kufsado Magaalada Boosaaso,iyadoo markii gabadhu ay la dagaalantay Askariga uu Xabad uga dhuftay Xubinta Taranka ama Ilma Galeenka.

Askariga Maanta laga dhoofiyay Magaalada Kismaayo oo lagu Magacaabo C/risaaq Warsame Axmed  ayaa laga dejin doonaa Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland sida uu Qorshuhu yahay.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Sharciga la hor-geyn doono Askariga Dhaawaca u geystay Gabadha,oo hadda Dhaawaceeda lagu dabiibayo Isbitaalka Digfer ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Ehelka ay ka soo jeedo Gabadha uu Askarigu ku dhaawacay Magaalada Boosaaso ee hadda lagu Dabiibayo Magaalada Muqdisho ayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya ka Codsaday in Askarigaas la marsiiyo Caddaalad.

Like it? Share it!