DAAWO: Askari Katirsan DF Soomaaliya Oo Ka Yaabsadan Maanta Kollonyo Ciidan AMISOM Ah

| Sunday, Nov 12, 2017 |

Maanta waxaa ka dhacay inta udhaxeysa Isgoyska Sayidka ilaa Tiyaatarka Muqdisho Arin aan hore uga dhicin Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Askari katirsan Ciidanka Meliteriga Soomaaliya ayaa Amray inay istaagaan Kollonyo katirsan Ciidanka AMISOM oo marayey meel udhaw Madaxtooyada Qaranka looga Arimiyo.

Askariga ayaa Darawalka Gaarigaas weydiiyey Aqoonsi ah inuu yahay Mid Sax ah maadaama la helay Xog sheegeysa in Shabaab ay adeegsan doonaan Baabuurta AMISOM oo hore Gacantooda galeen.

Ma dhicin weli in Gaadiidka AMISOM la weydiiyo Aqoonsiga Kaararkooda tan iyo markii ay 2007 yimaadeen Soomaaliya waxaana dadka qaar ay ku sheegeen in yadadiilo utahay Awoodii Ciidanka Soomaaliya oo dib usoo laabatay.

Like it? Share it!