DAAWO: Muuse Biixi oo ku hanjabay in uu Garoowe lawareegi doono

| Sunday, Nov 12, 2017 |

Muuse Biixi ayaa ugu horeyn weerar Afka ah ku qaaday Soomaaliya kadibna wuxuu toos u weeraray Puntland isaga oo ku hanjabay in Somaliland ay dagaalo badan soo gashay wuxuuna sheegay cid waligeed Somaliland dagaal la gashay oo aan Adhaxda ka jabin in aysan jirin “anagu Nabad baan rabnaa idin soo fara galin mayno ,walaltinimadiinaan rabnaa,lakiin waxaan idiin sheegayaa maanta Doorashadaas hadaad soo fara galisaan,Geeskaa wixii ka dhaca,meel kalaad sheegaysaane Garoowe in lagu murmo doono,ayaan balan idinka qaadaya,,

Hadalka Muuse Biixi ayaa kusoo beegmaya xili xiisad culus oo hanjabaad iyo weerar celis ah uu u dhexeeyo Maamulada Somaliland iyo Punntland,dhawaan ayey ahayd markii Baarlamaanka iyo Golaha Waasiirada ee Puntland oo Garoowe ku shiray ay isku raaceen in aysan Doorasho ka dhicin Sool iyo Sanaag.

 

Like it? Share it!