Dhageyso: Madaxda Maamulak  Galmudug Madaxda ka heshiiyey Khilaafkii u dhaxeeyey.

| Monday, Nov 13, 2017 |

Wasiiir Maxamed ayaa sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in uu ku guulestay dib u heshiisiinta madaxda Sar sare ee Galmudug, sida Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Heshiiska ayuu ku tilmaamay in uu yahay mid 80% mid lagu guuleystay, balse waxyaabaha ka dhamin ay tahay in dib u heshiisiinta Madaxweynaha iyo Xildhibaanadii Sheegay in ay Xil ka qaadista ku sameeyeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ugu mahad celiyey tallaabada dib u heshiisiineed uu ka dhex wada dhinacyada Galmudug ee ku kala aragti fogaaday Khilaafaadka Siyaasadeed ee soo kala dhex galay.

Xildhibaanadii Xil ka qaadista sheegay in ay ku sameeyeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Qaarkood Mustaqbal la hadlay ayaa sheegay in xil ka qaadista Madaxweyne Xaaf ay sharci tahay, isla markaana aysan ka gor-gortami doonin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan uu xildhibaanada Galmudug ee Xil ka qaadista ku sameeyey Madaxweynahaa Maamulkaas kula qaatay Magaalada Muqdisho, waxa uuna u bandhigay waxyaabaha ay kawada hadleen isaga iyo Xaaf.

Waxaana lagu ballamay in Kulan kale ay isugu yimaadaan Madaxweyne Farmaajo iyo Xildhibaanada Galmudug, waxaana Kulankaas la leeyahay waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlmanaanka Galmudug.

Like it? Share it!