DAAWO: Farxad awgeed Ciyaartoyda Xulka Sweden Oo Burburiyay Studio Tv-ga Eurosport Oo Si Live Ah Hawada Ugu Jiray

| Tuesday, Nov 14, 2017 |

Ciyaartoyda Iswiidhishka ayaa shaqo tabin toos aheyd ka qasay weriyaasha TV- si toos ah kaga tabinayay garoonka kulankii isreebreebka Koobka Aduunka ee Talyaaniga xalay ku reebeen.

Iswiidhishka ayaa dhamaadka ciyaarta farxad la qabsaday garoonka oo dhan, ka dib markii ay xaqiijiyeen in Azzurri 1-0 kaga badiyeen labada lug ee isreebreebka.

Waa markii ugu horreysay xulka Sweden usoo baxaan Koobka Adduunka tan iyo 2006dii, waxaana shaqsi kasta oo xulkaan katirsan uu sameeyay wax waali ah dhamaadka ciyaarta.

ciyaarta ka dib, ciyaartoyda iswiidhishka ayaa weerar ku qaaday Studio-ha garoonka uu ku lahaa Tv-ga Eurosport, iyagoo xitaa burbur u geystya qalabkii ay isticmaalayen afar kamid ah wariyaasha.

Like it? Share it!