Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Xafiiska Laboobay  & Wasiir Falkaasi Sameeyey..

| Tuesday, Nov 14, 2017 |

Qoraal uu soo diray Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Maamulka K/Galbeed Soomaaliya Sheekh Axmed C/llaahi Fanax ayaa waxa uu kusoo Bandhigay in Qalabkii Maxkamada Ee Xafiiskiisa yaallay lala wareegay.

Ku: Wasiirka Caddaaladda D/G/K/Galbeed ee Soomaaliya Xasan Ibrahim | Baydhabo
Ku: Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dalka
Ku: Wasiirka Caddaaladda ee D/F/ ee Soomaaliya

Ku: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jam.Fedraalka Soomaaliye M. Ibrahim Iidle. Muqdisho

Og: Madaxweynaha D/G/K/Galbeed ee Soomaaliya M.Shariif Xasan Sheekh Baydhabo

Ujeedo: Wargelin

Dhammaan Mas’uuliyiinta ay warqadaan ku socoto waxaa lagu wargeliyaa in maalintii shalay ee Tr.aheyd 13/10/2017 ay dhacay arrin aad u fool xun oo uu sameeyey Wasiirka Caddaaladda ee D/G/K/Galbeed ee Soomaaliya Xasan Ibraahim Xasan.

Wuxuu gebi ahaanba la wareegay dhismihii Xafiisyadii Maxkamadda Sare iyo kii Gobolka Bay ee D/G/K/Galbeed ee Soomaaliya.

Wuxuu ku Xareeyey hoolka Maxakadaha, dhammaan Agabkii Xafiisyada ee Maxkamadda Sare oo ay ku sugnaayeen Kaaliye iyo Garsoore joogay Faraca Xafiiska Baydhbo.

Wuxuu soo guuriyey Wasaaraddii Caddaaladda, isagoo soo dhex dejiyey Xaruntii Maxkamadda ee Baydhabo, Gaar ahaan Xafiisyada Maxkamadda Sare.

Hadaba iyadoo la dhowraayo Madax bannaanida Garsoorka, waxaa Wasiirka la farayaa

Inuu ka guuro Xarunta Maxkamadaha sida ugu Dhaqsiyaha Badan Mudo 72 saac Gudohooda.

Inuu ku soo celiyo Dhammaan Agabkii Xafiisyada ee uu Qaaday Halkii ay Markii Hore yaaleen.

Fg; Haddii aan loo hogaaansamin Amarka Markadda Sare waxaa ay qaadaneysaa Talaabada sharciga ee ku HaboonFicilka uu wasiirka ku dhaqaaaqay

Like it? Share it!