Dr Faroole “Dowladda Gaas ma ahan in ay shacabka geliso Dagaal aan ka dhab aheyn iyadu”

0
20

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr C/raxmaan Maxamed maxamuud faroole oo la hadlayay Warbaahinta maanta ayaa sheegay in Shacabka Puntland aysan diyaar u aheyn dagaal aan dhab aheyn oo lala galo deriskooda Somaliland.

Faroole isagoo farta ku duraya hadal habeen nimadii xalay saxaafadda ka sheegay Madaxweynaha Hadda maamula Puntland ee C/wali Gaas ayaa waxa uu sheegay in dowladda gaas ay dooneyso in ay shacabka ugu baaqdo dagaal adag oo sida uu sheegay aan ka dhab aheyn, isagoona ugu baaqay in marka hore ay ka go antahay dowladda inta aysan qaadin talaabada.

Faroole ayaa hadalkiisa ku daray in laga soo gudbay xiligii dagaalada islamarkaana loo baahanyahay in xaqiiqadda jirta loo maro xaalad kasta oo amniga wax u dhimaya, waxaana uu u muuqday mid u hadalaya qaab dowlad federaal maadaama uu yahay sanater ka tirsan aqalka sare ee dowladda federaalka,

Inta badan siyaasadaha xukuumadda hadda ka jira puntland iyo tan Sanator faroole ayaa ah kuwo is diidan iyadoo uu faroole markasta ka soo horjeedo siyaasadda xafiiska Gaas, ayaa hadana arrinta ka hadalka xiisadda Tukaraq ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo uu ka hadlo madaxweynihii hore ee Puntland Dr Farole.