Faah faahin, Xaalad kacsan, Isku diyaarin dagaal iyo Wararkii Ugu dambeeyay Tukaraq

0
16

Sida ay ku soo waramayaan ilo wareedyo ku sugan deegaanka Tukarraq ee ay isku hor fadhiyaan ciidamadda maamuladda Puntland iyo Somaliland xaalad kacsanaan oo sareysa ayaa caawa laga dareemayaa labada dhinac ee is hor fadhiya.

Ciidamo tira badan iyo saad meliteri ayaa ku sii qul qulaya labada dhinac iyadoo xoojin u ah ciidanka labada maamul ee goobta ku sugan, lamana oga sida xaaladu noqon doonto saacadaha soo socda.

Saraakiil ciidan oo ka kala tirsan labada dhinac islamarkaana ku sugan jiida hor ee difaaca ayaa laga soo kala xigtay hadalo kul kulul oo u muuqda kuwo uu ka dhalan karo dagaal xoog leh oo labada dhinac ka dhex dhaca.

Inta badan shacabkii ku dhaqnaa Degaanka Tukaraq iyo deegaano badan oo hoos yimaada ayaa sameeyay barakac xoogan iyagoo ku kala xerooday magalooyinka Garoowe iyo Laasacaanood.

Waxaan shaqeyneyn gaadiidkii isugu kala gooshi jiray labada dhinac waa Somaliland iyo Puntland, waxaana maamul kasta uu xoojiyay bar koontarooladda laga galo magaalooyinka waaweyn siiba Laasacanood iyo Garoowe.