Marunbaa Maxaase ka jira in Beesha Habar Gidir uga Digtay Wasiirka cusub ee Arimaha Gudaha in usan Noqon Sidii..

0
17

Xog hoose oo ay heshay Warbaahinta Madax banaan ayaa sheegaya in Beesha Habar Gidir ay mudo kasii jeeday wasiir Yuusuf Garaad oo la sheegay inuu Beesha u ahaa nin aan waxqabad badan u laheyn, balse markii dowlada Soomaaliya ay weerartay Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur ayaa waxaa la kulmay odayaasha iyo siyaasiyiinta Habar Gidir oo doonayay inuu dhex galo madaxda dalka iyo Beesha Habar gidir laakiin wuu ka dhago adeegay inuu Beeshiisa u dagaalamo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayay la kulmeen Odayaasha Beesha Habar Gidir waxayna ka codsadeen inuu xilka ka qaado Yuusuf Garaad beeshoodana uu siiyo wasiirka arimaha gudaha oo mudo ay u dagaalameysay.

Hadaba kulan xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beesha Habar Gidir waxay kaga digeen wasiirka cusub inuu matali waayo beeshooda oo xilka u dhiibatay.

Si kastaba ha ahaatee Awood qeybsiga dowlada oo ku dhisan Hab Qabaa’il ayaa markasta sabab u noqonaya inay adkaato in Soomaaliya ay ka baxdo in masuul kasta uu beeshiisa wax u qabto.