Wararkii ugu danbeeyay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

0
11

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Sidoo kale Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari nuuca raaxada ah oo marayay gudaha deegaankaasi.

Waxaana la sheegay in ay dhaawaceen Darawalkii gaarigaasi, iyagoona ka xeystay, isaga oo dhaawac ah.

Goobjoogayaal  deegaanka ah oo la hadlay Warbaahinta Madaxa banaan  ayaa sheegay in Kooxaha fuliyay weerarkaasi ay ku hubeysnaayeen Bastooladu, islamarkaana ay goobta uga baxsadeen gaari ay wateen.

Lama oga illaa iyo hadda sababaha ka dambeeya weerarkaasi, iyo waxa uu ahaa Qofka la weerararay.

Mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxaya Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku aadan weerarkaasi.