DegDeg:-Wariye Hanad Cabdi Faarax oo maanta lagu xiray Gaalkacyo

0
20

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in duhurnimadii maanta halkaasi lagu xiray Wariye Hanad Cabdi Faarax oo ka tirsan Idaacadda Codka Mudug.

Wariye Hanad Cabdi Faarax ayaa ahaa  Agaasimaha Idaacadda Codka Mudug, oo xarunteeda ay tahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug gaar ahaan qeybta Galmudug.

Ciidamo hubeysan oo watay gaadiidka Dagaalka oo ka tirsan Galmudug ayaa Wariyaha ka qabtay meel ka mid ah magaalada, isaga oo ku guda jiray howl maalmeedkiisa shaqada.

Wariye Maxamed Muxudiin (Saxansaxo) oo ka tirsan shaqaalaha Idaacadda Codka Mudug, ka na mid ah wariyeyaasha ka hawl gala magaalada gaalkacyo ayaa sheegay in wariyaha ay xirteen ciidamo ka tirsan galmudug walina macadda sababta ay u xireen.

Wariye Hanad Cabdi Faarax ayaa ku xiran saldhiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo, ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa xariga Wariyaha.